Wax Ka Baro 11-ka Xidig Ee Dambiyo Kala Duwan Xabsi U Gashay + Shax Laga Sameeyay

Ciyaartoyda kubada cagta waxay qeyb ka yihiin dhibanayaal, marka uu yimaado sharciga, maxaa yeelay isaga ayaa ah midka ka sareeya shaqsi walba.

Hadaba, waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbin doonaa 11 ciyaartoy oo lagu daray macalinkooda kuwaasoo siyaab  kala duwan uu dhib uga soo gaaro banaanka garoonka

Hadaba ka bogasho wacan:

GOOLHAYE: BRUNO FERNANDES

Waxaa loogu xukumay 22 sano oo xabsi ah, kadib markii uu dilay Hooyadiisa iyo waliba Cunug uu isaga dhalay.

DAAFAC DAMBEEDKA MIDIG: SERGE AURIER

Waxaa loogu xukumay Labo bilood oo xabsi ah kadib markii uu weeraray Sarkaal boolis ah isagoo ku socday wadada, isagoo ka yimid Kalaab.

https://laacib.so/goorta-ay-man-city-epl-hanan-karto-kooxaha-cl-europa-league-usoo-bixi-kara-iyo-kuwa-dhici/

DAAFAC DHEXE: RUBEN SEMEDO

Xidigaan oo hada udheela Villarreal ayaa wuxuu ku jiraan Xabsiga, inkastoo uu beeniyay hadana waxaa lagu eedeeyay inuu isku deyay inuu dil geysto.

DAAFACA DHEXE: BRENO RODRIGUES

Waxaa lagu eedeeyay Rasaas laga helay gurigiisa oo ku yaala Jarmalka, iyadoona laacibkaan daafaca ka dheela una dhashay Brazil lagu xukumay Saddex snao iyo 9 bilood oo Xabsi ah.

DAAFACA DAMBEEDKA BIDIX: ALEXIS ZARATE

Laacibkaan udhashay wadanka Argentina ayaa waxaa lagu xukumay Saddex sano iyo Lix bilood oo Xabsi ah kadib markii Kufsi lagu soo eedeeyay

KHADKA DHEXE: ADAM JOHNSON

Xidigaan oo wadanka England udhashay ayaa waxaa lagu xukumay Lix sano oo xabsi ah kadib markii lagu soo oogay dambi ah inuu Kufsaday gabar aan qaan gaar ahayn.

KHADKA DHEXE: JOEY BARTON

Laacibkaan udhashay wadanka England wuxuu bulshada u adeegayay 74 maalmood isagoona Lix bilood loogu xukumay weerar uu geystay.

KHADKA DHEXE: YORDAN LETCHKOV

Laacibkaan udhashay wadanka Bulgaria ayaa waxaa loogu xukumay Labo sano oo xabsi ah inuu aflagaadeeyay Gudoomiyaha Gobolka ama Duqa magaaladiisa.

KHADKA DHEXE: RICARDO CENTURION

Xidigaan oo udheela kooxda Racing Club, islamarkaana weerar yahan ah ayaa wuxuu galay Lix bilood oo Xabsi ah kadib markii isku deyay inuu qoriga la qabsado sarkaal boolis ah.

https://laacib.so/zidane-oo-saadaaliyay-midka-ku-guuleysan-doono-messi-ronaldo-gooldhalinta-horyaalka-la-liga/

WEERARKA: MICHELE PADOVANO

Ciyaaryahankii hore ee Juventus ayaa waxaa lagu qabtay isagoo isticmaalaya Daroogo, waxaana lagu xukumay Sideed sano iyo waliba Sideed bilood oo xabsi ah.

WEERARKA: ROBINHO

Waxay ahayd dhawaan, kadib markii lagu xukumay Sagaal sano oo xabsi ah kadib markii la sheegay inuu gabar ku kufsaday Milan sanadkii 2013

MACALINKA: ELKIN MONCADA

Wuxuu ahaa tababarihii koowaad ee James Rodriguez, waxaana lagu helay paedophilia.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com