Wax ka ogow isku aadka Tartanka CECAFA Cup iyado kooxda Dekedda ay gashay Group-ka ugu adag ee tartanka

waxaa la soo saaray isku aadka Tartanka CECAFA Kagame Cup iyado kooxda Dekedda ay gashay Group-ka ugu adag ee tartankan.
kooxda uu hogaamiyo Macalin Yuu Cali ayaa sanadkii ugu dambeyay ku soo guuleysatay horyaalka Somali Premier League.

Dekedda waxey gashay Group-C waxaa ku wehelin doona kooxaha kala ah Yanga oo ka socota wadanka Tanzania Simba oo ka soo jeeda wadanka Tanzania iyo St. Giorge oo ka socota wadanka Ethiopia.

Tartankan ayaa furmi doona 28-bisha June iyado lagu wado in la soo gabagabeyo 13-july.

Dekedda ayaa dheeli doonta kulan koowad ugu horeyay ee tartanka maalinta Sabtida ay taariiqda ku beegan tahay 30-06-18, ciyaartaas oo ka dhici doonta garoonka Chamazi National Stadium.

 

W/Q:Cabdi fitaax nani