Wax Ka ogow Xidigaha Soomaaliya ee Heesta Darajada Koowad ee Waxbarashada+Sawirro

Waxbarashada, waa mid kamid ah cunsurrada go’aamiya guusha qofka iyo guuldarradiisa, qofba qofka uu ka waxbarasho fiican yahay wuu ka nasiib iyo fursad badan yahay marka aan joogno caalamka fikriga.

Cayaaraha, waa saldhigga hormarka jirka iyo saadaasha caafimaadka, fatrada wax la barto iyo tan la ciyaaro wax badan oo farqi ah uma dhaxeeyso, keliya qofka iyo dookhiisa ayaa kala seeto weeciya.

Si kastaba ciyaarahannimo iyo ardaynimo, inta ugu badan waa la isku waayay, oo sidaas waa ay yar tahay in caalamkan casriga ah la helo, in ciyaariyahan uu noqdo arday haddana ku guuleysta dhanka waxbarashada waa karti iyo awood dheeri ah oo uu qofka sameeyay ayeey middaas ku suurta gal noqon kartaa.

Waa ay jireen xiddigo aqoonyahanna ah kuwaas oo Yurub iyo caalamka ciyaaraha ku hormaray, oo xiddiggii xulka Brazil ee todobaatannaadkii,Socrates oo loogu magac daray aabbihii falsafadda Galbeedka wuxuu ahaa qofkii ugu aqoonta badnaa ee abid kubbadda cagta hormar ka gaara.

Socrates wuxuu ahaa Digtoor ama wuxuu heystay darajada ugu sareysa ee waxbarashada ee (PhD Dectorate) taas oo dhanka kalena uu ahaa xiddiggii ugu wanaagsanaa qarankiisa xilligii uu ciyaarayay.

Tusaalaha kale aan u soo qaadan karno xidigaha caalamka kuwaaso heesta darajada ugu sareysa waxbarashada waxaana kamid ah, Chiellini arday aad u xariif ah ayuu ku ahaa Iskuulka isagoona si fudud ku wada baasay dhammaan imtixaanadiisa.

Intaa kaddib wuxuu aaday prestigious University ee magaalada Turin isagoona Degree ka diyaariyay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.

Haddaba warbixintan waxa aan ku qaadaa dhigi doonnaa xiddigaha Soomaalida iyo kuwooda waxbartay ee shahaaddooyinka sar sare ka heysta waxbarashada.

Sheekada Koowad Waxey Taabaneysa Goolhayaha kooxda Heegan Mustaf  Nakuja kaa uu heesta darajada koowad ee waxbarashada taa oo ah Maamulka iyo Mareynta (public administration) wuxuna ka bartay Jaamacada lagu magacabo SIU Somali International Universty, wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 2017-.

Shaqsiga Labaad ee sheekadan qusiiso waa weeraryahanka kooxda Jeenyo Cabdiqaadir Shariif Muqtaar Niije kaa uu heesta darajada 2-aad ee waxbarashada taa oo ah Barashada Cilmiga Competerka (Computer Science ) wuxuuna ka soo bartay jaamacada lagu magacabo Universiti Utara taa oo ku taalo wadanka Maleysia.

  

Qofka Saddexad:Omar Qaxtaani oo ka tirsan kooxda Heegan ayaa kamid ah xidigaha heesta darajada koowad ee waxbarashada, isago soo bartay Faydhowrka  Bulshada (Public Health) wuxuuna ka soo qalin jabiyay jaamacada UNISO Sanadkan 2018.

Shaqsiga Afaraad:Axmed Qaacshe oo shabaqada u ilaaliyay naadiga Elman ayaa ku jira xidigaha heesta darajada koowad ee Waxbarashada isago soo bartay Maamulka iyo Maareynta (Public Administration) wuxuna ka soo baxay jaamacada UNISO, Sanadkii 2017.

Laacibka Shanaad: Joog Dheeraha Kooxda Heegan Cabdirisaaq Zalatan ayaa kamid ah xidigaha ku fanaaya iney heesta darajada koowad ee waxbarashada isago soo bartay Maamulka iyo Maareynta (Public admistration), wuxuuna ka barmoosay Jaamacada UNISO, Sanadkii 2017.

Shaqsiga Lixaad: Goolayihii hore kooxaha Elman iyo Jeenyo Axmed Cabdala Macalin ayaa qeyb ka ah xidigaha heesta darajada koowad ee waxbarashada, wuxuuna soo bartay Maamulka Iyo Maareynta  (Publick administration) isago ka soo baxay Jaamacada Somalia, Sanadkii 2016 kii.

 

Qofka kale ay sheekadan la xariirito waa daafaca kooxda Elman Cabdiqaadir Macalin Daandii kaa uu soo bartay Sheybaar ( medical laboratory) wuxuuna ka soo qalin jabiyay jaamacada Banadir, Sanadkii 2016.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Xidiga kale ee xiga waa Cabdulaahi Muxudiin kaa uu u dheela kooxda Elman wuxuuna kamid ah yahay xidigaha heesta darajada koowad ee waxbarashada isago soo bartay Medicine and Surgery, wuxuuna ka soo qalin jabiyay jaamacada Banadir Sanadkii 2016-17.

 

FG: Wey jiraan xidigo kale ee heesta darajada koowad ee waxbarashada balse intaan ayaa ka soo qaadaneyna warbixinteyna.