Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Chelsea vs Tottenham

Kooxda daafacaneysa horyaalka Premier League, ee wadanka Ingiriiska ayaa waxay soo dhaweyn doontaa dhigeeda Tottenham si ay ula dheesho kulan ka tirsanhoryaalka EPL-ka.

Ciyaartaan oo lagu dheeli doono garoonka Stamford Bridge ayaa wuxuu ku xiran yahay rajada Chelsea ay ka qabto inay xagaagan ay kasoo muuqato Champions League.

Hadii ay badiso Blues waxaa suura gal ah ama loo saadaalin karaa inay dheeli karto xagaagan Champions League, maadaama ay kusoo dhawaaneyso Tottenham.

Wararka Labadda Koox

Kooxda martida ah ee Spurs ayaa waxaa shaki wayn laga gelinayaa inuu kulankaan uciyaari karo ciyaaryahankeeda muhiimka ah Hary Kane.

Kane ayaa dhaawac ku maqnaa tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan, laakiin hogaamiyaha Spurs oo xaalkiisa wax laga su’aalay ayaa sheegay inay macquul tahay inuu dheelo Kane.

Marka laga reebo dhaawaca Kane ma jiro ciyaaryahan kale oo weyn kaasoo Tottenham dhaawac uga maqnaan doona ama aanan udheeli doonin.

Tani ayaa la maqno ah in Spurs-ka ay Chelsea ku wajahayso iyadoo haysatay saf ciyaareed dhameystiran, taasoo halis ku ah Blues.

Dhanka kale, Blues ayaa waxaa ciyaartaan dhaawac uga maqnaan doona Goolhaye Thibaut Courtois, sababo ku aadan dhaawac dhanka Garabk ah.

Alvaro Morata ayay ubadan tahay inuu kusoo bilowdo, maadaama uu dhawaan dhaawac kasoo laabtay, sidoo kale, waxaa diyaar ah magacyo kale oo waa weyn.

Shaxda Macquulka Ah

CHELSEA: Caballero; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Moses, Alonso, Fabregas, Kante; Willian, Hazard, Morata.

TOTTENHAN: Lloris; Alderweireld, Sanchez, Vertonghen; Aurier, Rose, Dier, Dembele; Eriksen, Alli, Son.

Si Kooban

Tartanka: Premier League
Kulanka: Chelsea vs Tottenham
Garoonka: Stamford Bridge
Saacadda: 18:00 [Maqribnimo, Waqtiga Geeska Afrika]

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com