Wax Waliba Aad UgU Baahan Tahay kulanka Galabta Dhaxmari Doono Kooxaha Heegan Vs Banadir S,C

Kulan ka tirsan tartanka Star League ayaa galabta lagu balansan yahay inuu ka dhaco garoonka Banadir Stadium ee dhaca Degmada Cabdicasiis, kaa oo u dhaxeeyo kooxaha Heegan iyo Banadir Sports Club.

Tartanka Star League waa sanadkii ugu horeyay ee la qabto waxaana ka qeyb galaya lixda kooxod ee ugu sareysay horyaalkii soo idlaaday 2017-18.

Kooxda kubadda cagta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulankii ugu dambeyay waxey ka soo adkaatay naadigii ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League ee Dekedda,waxeyna ugu awood sheegatay 2-0, waxaana goolasha Heegan u dhaliyay xidigaha kala ah Cabdicasiis Catoosh iyo Cabdiyow, kulankaas oo dhacay 24-7-18.

Naadiga Banadir Sports Club ciyaartii ugu dambeysay waxey ka soo badiyen kooxda ay xifaaltaman ee Jeenyo kadib markii ay ugu adkaadeyn 2-1, Banadir waxey goolasha ka kala heshay xidigaha kala ah Khaliif iyo Xamse halka Jeenyo ay ugu mahadcelineyso goolka madiga ah Saciid mata, ciyaartas ayaa dhacday 23-7-18.

Heegan sanadkii ugu dambeyay horyaalka waxey ku dhameysatay kaalinta 3-aad iyado shaqeysatay dhibco dhan 36-dhibcood.

Wiilasha uu hogaamiyo Hussien Mblango ee Banadir Sports Club sanadkii ugu dambeyay ee horyaalka waxey galeyn kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka, iyago aruursaday dhibco dhan 38-dhibcood.

Tartanka: Star League(Xidigah)

Kooxaha: Heegan Vs Banadir Sports Club

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

W\Q:Cabdifitaax Nani