Wax Waliba aad ugu Baahan Tahay Kullanka U Dhaxeeya Kooxaha Madbacada Iyo Dekedda.

Kooxaha Dekedda iyo Madbacada ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis ciyaar ka tirsan horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kullankii 31-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2017-18.

XAQIIQDA KULLANKA:

Kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa kullankii ugu dambeyay waxey 0-0 la soo gashay kooxda Cawo iyo maalin ee Horseed ciyaar dhacday 26-02-18.

Wiilasha Madbacada ciyaartii ugu dambeysay waxey guul daro 2-0 kala soo kulantay naadiga Banadir Sports Club.

Naadiga Dekedda ayaa ku jirta Kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka iyado soo ciyaartay 6-kulan waxey soo adkaatay 4-kulan halka ay bar baro soo gashay 2-kulan wax guul daro lama kulan Wiilasha Yuu Cali, taas ayaa ka dhigeysa iney leedhahay 14-dhibcood.

Kooxda kubadda cagta Madbacada waxey fadhisa kaalinta 8-aad ee horyaalka iyado soo dheeshay 6-kulan waxey soo adkaatay 1-kulan sido kale waxey bar baro soo gashay 3- halka laga soo adkaaday 2-kulan taas ayaa la micno ah iney heesato 6-dhibcood.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Dekedda waxaa kullanka galabta ka maqnaan doona xidigaha kala ah Cabaas Aamiin kaaso dhaawac muruqa gaba sido kale Seyga Ruushka oo isagana kullankii ugu dambeyay dhaawac soo gaaray iyo Hargandi oo isna dhaawac jilibka ah ku maqan.

OGEYSIIS KULLANKA:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda Vs Madbacada

Goobta: Banadir Stadium

Saacada:3:30

W/Q:cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com