“Waxa Ay Ahayd Riyada Griezmann In Uu Ka Garab Ciyaaro Messi & Suarez”

Xiddiga Antoine Griezmann Ayaa ugu dambayn rumeeyay riyadiisa ah ku biirista kooxda Barcelona kadib markii uu xagaagan kaga biiray kooxda Atletico Madrid kadib markii ay Barcelona bixisay lacagtii 120-ka Milyan ahayd ee lagu bur-burinayay heshiiskiisa Atletico Madrid.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Diego Costa ayaa difaacay go,aanka uu xiddiga reer France ee Antoine Griezmann ugu biiray kooxda Barcelona suuqii xagaaga.

Antoine Griezmann ayaa ku biiray Barcelona kadib muddo dheer oo lala xidhiidhinayay isaga oo noqday xiddigii ugu dambeeyay ee Atletico kaga biiray kooxda Barcelona.

Costa ayaa sheegay in ay ahayd mid iska caadi ah in uu Antoine Griezmann doonayay in uu naftiisa ku tijaabiyo koox kale waliba tahay in laga joojiyo dhaleecaynta.

“Riyada Antoine Griezmann waxa ay ahayd in uu ka garab Ciyaaro Lionel Messi iyo Luis Suarez”ayuu u sheegay Que Partidazo.

“Ka ciyaartoy ahaan mar walba waxa aad doonaysaa in aad naftaada ku tijaabiso kooxo cusub waana iska caadi in uu Griezmann doonayay in uu ku biiro Barcelona”.