“Waxaan qaati ka taaganahay in qof walbo uu doonayo Argentina koob aduun u qaado”- Lionel Messi

Lionel Messi ayaa sheegay inuu aad u dhib saday dadka isaga marwalbo ku dhahaan “Waa inaad Argentina xagaagan koobka aduunka u qaadaa!”

Messi oo 30-jir ah waxaa la aaminsan yahay inay u tahay fursadii ugu dambeesay koob aduun ku qaadi lahaa xagaagan marka Russia la isugu tago

Laakiin Superstar-kan Barcelona u cayaaro aad ayuu u dhibsaday culeeska lagu haayo si uu Argentina koobka aduunka ugu qaado

Image result for messi argentina

Leo wuxuu yiri “Meel walbo oo aan tago qof walbo wuxuu iga doonayaa inaan koobka aduunka xagaagan qaado midaasna aad ayaan u dhibsaday”

“Qaati ayaan ka taaganahay sheekada ah inay waajib igu tahay Argentina koobka aduunka xagaagan u qaado”

“Aadban u jeclahay waana ku riyoodaa inaan Argentina koob aduunka u qaado balse nasiibka waa inuu na caawiyaa sidoo kalena natiijooyinka wanaagsan dhankeena soo aadaan xagaagan marka Russia la isugu tago”

Messi oo ah hogaamiyaha Argentina waxay jimacadaan kulan saaxiibtinimo la cayaari doonaan xulka Italy halka Talaadada ay la cayaari doonaan xulka Spain ayagoo koobka aduunka isku diyaarinayaan

Image may contain: 1 person, text

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com