“Waxaan Sameyn Doonaa Waxay Nooga Baqi Doonan” – Klopp Oo U Cagajugleeyay Kooxaha EPL

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa rajo fiican ka muujiyay in kooxdiisa sanad ciyaareedka soo cusub ku guuleysan doonto koobka Premier League, inkasta oo uu qiray inuu adag yahay.

Laakiin, nin udhashay wadanka Jarmalka ayaa ku goodiyay in maadaama ay sameeyeen saxiixyo cusub oo ku kaceysa qiimo lacageed waali ah ay diyaar uyihiin inay udagaalamaan fooqa ugu sareeya.

“Waxa aan aniga rajaynayo xagaagan waa mid mar walba heer sarre ah, marka hadda waxaa waajib nagu ah inaan ka dhigno sanad ciyaareedkan mid noo fiican,” ayuu Klopp saxaafadda usheegay.

“Waxaan dooneyna inaan gaarno waxa ugu wanaagsan, waxaana dooneynaa inaan helno waxay tahay iyadda [guusha] sidaas darteeda mar walba shaqaalaheena niyadooda way sareysaa.

“Inaga ahaan waxaan bixinay dhaqaalo badan, taasoo ka badan waxa caadiga ah, sidaas waxaan rabnaa inaan noqono kuwa baqaan kooxaha kale ee EPL, maxaa yeelay lacagtaas.

“Waxaan sameyn doonaa waxay nooga cabsan doonan, waxaana diyaar unahay inaan hanano koobkaas,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp.