Maxaa aad ugu baahan tahy inaad ka ogaaato kulankii mucjisada ahaa Tottenham ku aaday Finalka ..

Ciyaartii soo dhamatay naadiga Tottenham oo taariikh lama ilaabaan ah dhigtay kuna soo biirtay taariikhda kubada cagta England iyo mida Europe Samaysay taariikhdii Man United sameeysay 1999 Misna noqotay kooxdii 40-aad taariikhda Champions league finalkiisa ciyarta, waxkasta aad ugu baahan tahay inaad ka ogaaato kulankii mucjisada ahaa Tottenham ku aaday Finalka Magaalada Madird halkaan kaga bago.

1- Naadiga Tottenham ayaa noqotay Kooxdii 8-aad kubada cagta England ka socota iska xaadirisa finalka tartankani oo berigii hore la oran jiray Eurapean cup Haatan u wada garanayno Champions league hore darajooyinkani waxa kaga horeyay kooxaha kala ah Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Leeds United, Liverpool, Manchester United and Nottingham Forest.

2- Naadig dalka Netherlands ee Ajax ayaa markii ugu horeysay taariikhdooda kubada cagta Europe ee Champions league loo diiwan geliyay In laga badiyo ayaga oo hogaanka Ciyaarta haayo 55-ciyaarood ka dib Taariikhda Tartanka ayaga oo gool leh Ma dhicin In laga badiyo 45-jeer ka mid ahi way badiyeen 10-Bareejo Like Tonight recodkasi lama taabtaanka ahaa Sida boqortooyinkii Waxaa gebi ahaanba burburisay Kooxda ka socota Magaalada London ee Tottenham

3- Kooxaha ka socda kubada cagta England taariikhda kubada cagta Europe ee Champions tiro 7-jeer ayay ka soo laabteen 2-0 misna ay badiyeen like Tonight waa in ka badan 4-jeer taariikhda dhamaan wadamada European ahi misna kooxahoda kala duwanka soo qayb galay tartanka

4- Lucas Moura ayaa Noqday Xidiga 3-aad Taariikhda Champions league Tottenham Hat-trick ugu dhaliyo hore bishii 
October 2010-kii- Gareth Bale v Inter, bishii September 2017-dii – Harry Kane v Apoel Nicosia, bishii May 2019 – Lucas Moura v Ajax waxa xusid mudan taariikduna lagu asteeyay inay ku wada dhaliyeen meel ka baxsan garoonka kooxdooda ama away Goals

5- Goolkii koowad Xidiga Reera Holland Ee De Ligt waa gookii 150-aad Naadiga Ajax ay ka dhaliso Taariikhda Tartanka champions league

6- Tottenham Hotspur waa kooxda kaliya England premier league ka socota sami finalka Champions league 2-0 ka soo kabata misna badisa tan iyo dabayaaqadii bishii April 1999-kii Markasna naadiga Manchester United ayaa 2-0 kaga soo kabtay naadiga Reera Italy ee Juventus waxaa xusid mudan taariikduna ay na ledahay berigaasi finanlka waxa lagu qabtay cariga Spain magaaldiisa Barcelona Giggada Camp Nou Man United ayaa 2-1 la yaab lahi kaga qaaday Naadiga Bayern München halka Naadiga Tottenham ay finalka ku ciyaari doonto isla Cariga Spain gaar ahaan magaalada Madird giggada Wanda Metropolitano

7- Daley Blind ayaa Kulankiis 26-aad Champions league u ciyaaray Kooxdiisa Ajax waxa uu Soo qabtay geesigii Guulaha Kooxdan ee Danny Blind waa aabihiisa min 26-Game Champions league ayay wada ciyaareen Ajax Amsterdam

8- Tottenham ayaa noqotay Kooxdiii 40-aad finalka ciyaaarta taariikhda tartankan oo berigii hore la oran jiray European cup Haatan magaciisa loo rogay Champions league 8-kooxood ka mid ahi waxa ay calankooda babainayeen ama Matalayeen dalwayanaha United Kingdom ama kooxaha kubada cagta ee England dhanka kale taariikhdu waxa ay tilmamaysaa 6-Final ayaa wada ciyaaray, Kooxaha ka socda hal wadan laba ka mid ahi waxa ay ahaayen Kooxaha England Premier league ka socdo midka Liverpool v Spurs iyo 2008-dii Man United v Chelsea fahamtu !

9- Taariikhda tartan kani oo berigii hore la oran jiray European cup haatan aad u wada garanaysan Champions leageu 17-kooxood Sami finalka lugtiisa koowaad looga sooo badiyay gurigooda kaliya 1-koox ayaa soo gudubtay ama finalka aaday halka 16- kooxood kale ay isaga hareen tartanka kooxda sidaa samesay waxa ay ahayd naadiga Ajax bishii April xilli ciyaredkii 1995/96 ayaga oo Lugta hore laga soo badiyay ayay final aaday gebi ahaan taariihhdaasi xun kubada cagta Europe macalin Pochettino kooxdiisa Tottenham ayaa burburisay.

10- Naadiga Reera Holland Ee Ajax 13- sami final ay ciyaareen taariikhda tartamada Europe 10-ka mid ahi finalka ayay aadeen sami finalka Caawa uu qayb ka yahay.

11- Kaliya 204-Second ama ilbiriqsiyo ayaa u dhaxaysay labadii goal taariikhiga ahaa qaybta dambe ciyaarta Lucas Moura uu ku soo barbareeyay Ajax.

12- Waa markii 3-aad ay dhacayso taariikhda kubada cagta Europe in ay finalka isku imaadan naadiyada ka socda kubada cagta England hore 1972-kii waxaa finalka Uefa Cup ciyaaray ama haatan u wada garanaysan Uefa Europe league naadiyada (Spurs vs Wolves) 2008 waxa Finalka Champions League ciyaaray (Man Utd vs Chelsea) and 2019 waxa finalka Champions league ciyaari doono kooxaha Tottenham v Liverpool laba jeer ka mid ahi waa Spurs

13- Matthijs de Ligt wa xidiga 4-aad taariikhda Champions league Sami finalkiisa gool ka dhaliyo sa,diisa waa 19-sano iyo 269-Malmood hore Nordin Wooter (1996, Ajax), Obafemi Martins (2003, Inter Milan) and Kylian Mbappé (2017, Monaco).sidoo kale da’yarkan Reera Dutch ee De ligt waa Xidiga ugu da’da yaraa Taariikhda Tartanka koox hogaamiyo Gaalkan yaro Da’diisa iyo hogaamintiisa isma laha

14- Naadiga Spurs ayaa laga dhaliyay 7-goal 15-ka daqiiiqo ugu horeyay Champions league kulamada ay ciyaareen waa in ka badan koox kasta xilli ciyaaredkan

15- Rumayso ama ha rumaysan Naadiga Ajax Amsterdam 20-kii ciyaarood u dambeyay ay ciyareen Champions league marka lagu daro Kulamada isreeb reebka ama Qualifications waxa laga badiyay oo kaliya laba ciyaarood waxaana Ka inkaarsaday Kooxaha Real madird iyo Tottenham

16- Xilli ciyaaredkan Tartanka Champions league Hakim ziyech ayaa ku lug lahaa 5-goal Kulamada Knockout-ka ama kala baxa 3-goal ayuu dhaliyay Halka laba gool kale uu caawiyay waa in ka badan dhamaan xidig kasta ka soo muuqday tartanka marka laga reebo Leo Messi oo isna ku lug lahaa 8-goal sidoo kale Hakim Ziyech Afartii goal u damebsay uu dhaliyay tartamda dhan waxa ka caawiyay Dusan Tadic

18- Lucas Moura ayaa noqday xidiga 5-aad taariikhda kubads cagta Europe ee Champions league sami finalkiisa Hat-trick dhaliyo ama Goolasha loo yaqaano sadexleeyda ⚽️⚽️⚽️ hor waxaa sidaa u sameyay misna darajaadaan kaga horeyay Xidigii waynaa Reera Italy iyo naadiga Juventus Alessandro Del Piero, Iyo xidigii waynaa naaidga Bayern München Ivica Olic, Robert Lewandowski and Cristiano Ronaldo.

19- Dhamaan liiska ciyaaryahanada Naadiga Tottenham waa markooda ugu horeysay xirfadooda ciyaared ay ciyaaraan Finalka Champions league .

W/Q:Abdulkadir Mohamed