“Way adag tahay in lala shaqeeyo Jose Mourinho”

Jose Mourinho ayaa furka ku tuuray xiddigihiisa kaddib cayaartii FA Cup ay 2-0 uga adkaadeen Brighton

Nemanja Matić oo ka mid ahaa xiddigo yar oo ka bad baaday xabadihii ka dhacayay afka Jose ayaa sheegay inay aad u adag tahay in lala shaqeeyo macallinka reer Portugal maadaama ay aad u badan yihiin waxa uu dalbayo isla markaana uu guusha jecel yahay

Image result for Matic and jose

“Way adag tahay in lala shaqeeyo isaga, maxaa yeelay had iyo jeer wuxuu doonayaa wax badan oo badan” Matic ayaa sidaa yiri

“Xitaa haddii aad ku guuleysato horyaalka wuxuu doonayaa inaad markale ku guuleysato sanadka xiga Waa sidan oo kale isaga, cayaartoyduna waa inay diyaar u noqdaan midaa

“Waa mid gaar ah Jose maxaa yeelay Markasta wuxuu doonayaa inuu guuleysto Waad arki kartaa marka aan kulan guul darreysano ma aqbali karo midaas Sida cad taasi waa sababta uu noloshiisa ugu guuleystay in ka badan 20-koob”

Related image

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com