Wenger Oo Farta Fiiqay Kooxaha Uu Ka Cabsi Qabo Inay Kasoo Reebaan Kooxdiisa Tartanka Europa League

Arsena Wenger, tababaraha kooxda kubada cagta Arsenal, ayaa wuxuu baqdin xoog leh uu ka muujiyay kooxaha waa weyn ee sanadkaan ka qeybgaleysa tartanka Europa League, kaasoo ay lugtiisa labaad la balansan yihiin dhigooda AC Milan, lugta labaad ee wareega 16.

Lugtii hore oo garoonka AC Milan ee San Siro, lagu soo dheelay ayaa wuxuu kusoo dhamaaday 3-0, oo ay kusoo awood roonaatay Gunners-ka, waxaana la filayaa in lugta labaad ay Milan sameyso soo laabasho inkastoo rajada laga qabo ay iska yar tahay.

Sikastaba, Shabakada Laacib.so ayaa waxaa kala socon doontaa hadii uu ALLE raali ka noqdo natiijada kasoo baxda lugta labaad iyo wax walba oo aad uga baahan tahay ciyaartaan taasoo dhici doonta Isbuucaan gaara ahaan habeenka Khamiista.

“Europa League, hadii aad eegto kooxaha sanadkaan jooga, mid koox walba waa ay xoogan tahay,” ayuu macalinkaan reer France yiri.

“Waxaan la dheeleynaa Milan, oo haysata fursad ah sideed dhamaadka ku gaari karto, waana inaan eegtaa cida halkaas gaari doonta – Milan, Dortmund, Atletico Madrid, Arsenal iyo dhamaan kooxaha Faransiiska [waa ay dhisan yihiin].

“Waxaa jooga marka kooxo waa weyn oo fiican, waxayna yihiin kuwa tartankaan doonaya, marka waa uu ka culus yahay sidii uu hore u ahaa.

Dhanka kale, tababare Wenger oo dhinaca kale ka hadlaya bandhiga kooxdiisa iyo sida ay waajib ugu tahay inay sii wadaan guulaha ayaa yiri: “Is-xoojinta mar walba waa muhiim inaan saxiixno soo bandhigita tayadeena.

“Mararka qaarkood, marka aan si-xun ufikireyso, waa ay adag tahay inaan yeelato Isbiirad wanaagsan, korna uma soo kici kartid.

“Taasi waa sababta ay muhiim noogu tahay inaan mar walba si gaar ah uga fikireyno niyadda, marka aan dheeleyso Isbuucii hal kulan, hadii aad khasaarto midka koowaad, waxaan haystaa fursado kale oo aad ku khasaari karto kuwa kale ama wax ka badan.

“Marka, waa mid muhiim ah inaan kasoo kacno arrintaas,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, hogaamiyaha Arsenal, ee Arsena Wenger.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com