Wenger Oo Shaaciyay In Dhamaan Xidigihiisa Ay Diyaar U Yihiin Kulanka Milan Marka Laga Reebo Xidigaan

Tababaraha kooxda kubada cagta Arsenal, ninka lagu magacaabo Arsena Wenger, wuxuu helayaa liis ciyaaryahano oo bad-qaba, marka laga reebo ciyaaryahan Alexandre Lacazette, sida uu ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka AC Milan.

Lugtii hore oo garoonka AC Milan ee San Siro, lagu soo dheelay ayaa wuxuu kusoo dhamaaday 3-0, oo ay kusoo awood roonaatay Gunners-ka, waxaana la filayaa in lugta labaad ay Milan sameyso soo laabasho inkastoo rajada laga qabo ay iska yar tahay.

Sikastaba, Shabakada Laacib.so ayaa waxaa kala socon doontaa hadii uu ALLE raali ka noqdo natiijada kasoo baxda lugta labaad iyo wax walba oo aad uga baahan tahay ciyaartaan taasoo dhici doonta Isbuucaan gaara ahaan habeenka Khamiista.

Alexandre Lacazette, oo wadanka Faransiiska udhashay ayaa wuxuu dhaawacan yahay tan iyo dhamaadka sanadkii hore, isagoona qaba dhibaato dhanka Qoobka, taasoo keeneysa inuu sii maqnaado illaa iyo cayaaraha saaxiibtinimo ee soo aadan.

Alexandre Lacazette will miss the match against Milan through injury
Alexandre Lacazette

“Qaar kamid ah ciyaartoyda, waxaa laga qaaday tijaabo, qof walba waa diyaar saaka, marka la reebo Alexandre Lacazette,” ayuu Wenger yiri.

“Waa uu kusoo laabtay isaga tababarka, laakiin waa ay gaaban tahay sida uu diyaar ugu noqdo Berri mid dheeli kara,” ayuu sii raaciyay.

“Banaanka ayuu tababarkiisa ku qaatay, waxaana uu noqon doonaa mid diyaar ah kulamada saaxiibtinimo ee soo socda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Arsena Wenger, maamulaha kooxda kubada cagta Arsenal, ee ka dhisan Woqoyga Magaalada London.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com