Willian Oo Sharaxay Sababta Uu Sarri Ugu Saxan Yahay Inuu Dhaliilo Kante iyo Xidigaha Blues

Willian oo kamid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Chelsea ayaa taageeray go’aanka uu macalinka kooxdaan ku dhaleeceeyay qaar kamid ah ciyaartoyda Blues.

Macalinka reer Italy ayaa sidoo kale wuxuu si adag udhaliilay bandhig ciyaareedka Kante, kaasi oo uu carabka ku adkeeyay inanau lahayn farsamo.

“Macalinka waxa uu xaq uleeyahay inuu dhaleeceeyo kooxda ciyaartoydeeda iyo Kante, sababta oo waa ku saxan yahay,” ayuu yiri Willian oo saxaafada u waramay.

“Maxaa yeelay waa masuuliyadiisa inuu hubiyo bandhig ciyaareed ciyaaryahanka iyo guud ahaan kooxda,” ayuu hadalkiisa kusii daray wiilkaa reer Brazil.

“Sidaas darteeda, waxaan ubaahan nahay sidii aan uxoojin lahayn muuqaal ciyaareedkeena, waxaana rabnaa inaan hubino sida aan udheelayno.

“Ma ahan in dhaliisha macalinka aan si qaldan uturjuno ama aan buun-buunino, waa talo, waana buraarujin,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Willian.