Xaaska Xidig Caan Ah Oo Kabaha La Dul-martay Ronaldo Xili Ay Ku Sifeysay Arrin Cajiib Ah

Melissa Satta oo ah xaaska xidiga khadka dhexe ka dheela ee Kevin-Prince Boateng ayaa sheegtay in aysan aqoonin qofka uu yahay Cristiano Ronaldo, iyadda oo tilmaamtay inay kaliya taqaanno saygeeda.

Ronaldo oo dhowaan ku biiray Juventus ayaa kulankiisii afaraad wajahaya naadiga Sassuolo Axadda soo aadan, xili uu raadinayo goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka dalka Talyaaniga.

31-sano jirka udhashay wadanka Germany, balse asal ahaan kasoo jeeda Chana ayaa wuxuu haatan udheelaa naadiga Eintracht Frankfurt, inkasta uu horey usoo maray AC Milan iyo Tottenham.

Sikastaba, xaaskiisa oo sanado kahor abuurtay hadalhayn xoogan ayaa markaan ku maadeysatay Ronaldo, kaasoo kamid ah ciyaartoyda dunida ugu wanaagsan, gaar ahaan dhanka haasaawaha.

Melissa Satta oo la hadleysa warbaahinta ayaa ku kaftantay: “Yaa yahay Cristiano Ronaldo? kaliya waxaan eegayaa Boateng.

Iyadda oo hadalkeeda sii wada ayey daboolka ka qaadey in Saygeeda uu Ronaldo u aqoonsan yahay ciyaaryahanka dunida ugu wanaagsan.