Xabi Alonso Oo Lewandowski Kula Taliyay Inuu Bayer Sii Joogo Xili Real Ay U Gaarsaneyso + Sababta

Xidigii hore ee Real Madrid, Bayern Munich, Liverpool iyo qaranka Spain, laakiin hada kubada cagta ka fariistay ee Xabi Alonso ayaa wuxuu kula taliyay laacibkii ay iska kooxda ahaayeen ee Roberto Lewandowski, inuu iska sii joogo kooxdiisa Bayer.

Lewandowski, ayaa waxaa hadda si weyn loola xiriirinayaa inuu ku biirayo Real Madrid, xitaa waxaa jira warar sheegaya inuu heshiis uu la gaaray Boqorada Spain, laakiin warkaan kasoo yeeray Xabi ayaa wuxuu noqonayaa mid dhaawaca dhagaha maamulka Madrid.

“Wuxuu hada kamid yahay mid kamid ah Gooldhaliyaasha ugu fiican aduunka,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Xabi xili uu la hadlayey Sportbuzzer.

“Sikastaba, wuxuu yahay midka ugu fiican [dhamaan xidigaha Bayern Munich] ku sugan,” ayuu hadalkiisa kusii daray qawaarkii hore ee La Rojo.

“Sanad walba wuxuu dhaliyaa goolal, wuxuu hantaa koobab, wuxuuna yahay mid aanan ku sugneen meel uu ka jiro tartan badan.

Mar la su’aalay sababta uu laacibkaan kula talinayo inuu Bayer joogo ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in hada kooxdaan uu ku dareemayo raaxo laakiin marka uu tago koox kale sida Real Madrid uu ku kordhi doono cadaadiska.

“Hadii uu doonayo inuu ku biiro ama uu ubadasho meel kale, waxaa wanaagsan in marka hore ay noqoto mid kasoo go’day qalbigiisa,” ayuu  hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Xabi Alonso, ciyaaryahankii hore ee kooxo waa weyn oo Yurub ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com