Xabi Alonso Oo Zidane Ku Tilmaamay Xiddiga Kaliya Ee Uu Necbanaa Inuu Ka Hor Yimaado + Sababta

Laacibkii hore ee kooxaha Real Madrid, Liverpool, Bayern Munich iyo waliba qaar kaloo badan, wiilka lagu magacaabo Xabi Alonso ayaa wuxuu Zidane ku tilmaamay ciyaaryahankii ugu adkaa ee uu ka hor yimaado inta mihnimada kubada cagta uu ku jiray

Alonso ayaa wuxuu hada yahay mid kubada cagta isaga fariistay mana jirto wax shaqo ah oo uu hayo, inkastoo uu xaqiijiyay inuu doonayo inuu noqdo macalin kooxeed, hadana wuxuu carabka ku dhuftay in uusan koox La Liga ka dhisan qaban doonin

“Markii aan yaraa, waxaa ahaa mid aad cajiib u ah,” ayuu daboolka ka qaaday ciyaaryahankii hore ee qaranka kubada cagta Spain

“Laakiin, markii ugu horeysay ee aan ka hor yimaado Zinedine Zidane, oo aan jiray 20-sano waxaan kaliya dhihi karaa ‘Waaw muxuu ahaa kaas’,” ayuu hadalkiisa ku daray

“Wuxuu ii maamulay aniga si adag, laakiin waxyaabuhu waxay umuuqdaan kuwa fudud ama sahal ah,” ayuu cod dheer ku sheegay

“Waan jeclaa daawashadiisa iyo waliba la dheeleystiisa, laakiin waan necbanaa inaan ka hor yimaado isaga,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Sikastaba, labadaan shaqsi ayaa waxay kasoo wada shaqeeyeen Real Madrid, xili uu ahaa Alonso, caawiyaha Los Blancos, gaara ahaan markii uu ku sugnaa xeradda Basque, markaasoo uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan kooxda kubada cagta Los Blancos.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com