Xanaaq mise Xishood? Messi Oo Si Layaab Leh Uga Falceliyay Xalay Markii Xulkiisa La Boobsiiyay

Inkastoo wiilasha macalin Julen Lopetegui ay ka baxeen garoonka iyagoo farax-san, hadana Lionel Messi wuxuu umuuqday mid xishood dartiisa lasii joogay waayay garoonka illaa iyo uu kulanka kasoo gaba gaboobo ama uu kasoo idlaado.
Weerar yahanka Barcelona ayaa inkastoo lagu qadarinayo inuu kulankaan ku maqnaa dhaawac muruqa ah, islamarkaana uu ka daawanayay garoonka Estadio Wanda Metropolitano, ciyaarta, hadana ma uusan ku dareemin raaxo.
Kaamirooyinka ayaa waxay soo qabteen iyadoo ciyaaryahankaan uu ahaa mid kala go’ay kadib markii goolal sida daadka oo kale loogu qaadsiiyay dalkiisa, xili guud ahaan kulanka uu kusoo dhamaaday 6-1 oo ay Spain kusoo badisay.
Waxaa uu ka kacay kursigii uu ku fadhiyay, kaasoo uu kulanka daawanayay, isagoona si deg deg u aadiyay afkiisa dhanka qolka labiska ugu yaraan sida ay malado tahay, wuxuuna dareemayaa mid faraxad iyo raaxo la’aan.
Xaqiiqada iyo qiyaastu waxay tahay inuu isku sii dariyaanayay inuu qolka labiska ugu sheego ciyaartoyda dalkiisa in wixii dhacay ay ahaayeen wax aan la qaadan karin, sidaas darteeda ay ubaahan yihiin inay wax isbedal ay sameeyaan.
Sikastaba, guul darada soo gaadhay wadanka Argentina ayaa ka dhigan wax guul aysan filayneen iyagoo uusan garoonka ugu jirin Lionel Messi, ayna ubaahan yihiin mar walba inuu udheelayo xidiga shanta jeer ku guuleystay laacibtinmada dunida.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com