XAQIIQO: Ronaldo Waa Dilaaga Kaliya Ee Garanaya Sida Loo Khaarijiyo Juventus [Ogow Sababta]

Inkasta oo uu hadda yahay ciyaaryahan iyaga ka tirsan, hadana Cristiano Ronaldo wuxuu yahay xidiga kaliya ee kubada cagta taariikhda hal tartan uga dhaliya Juventus goolasha ugu badan.

Xaqiiqo uruuriyaha Opta, ayaa daaha ka rogay in Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu badan ee tartanka Champions League goolasha ugu badan uga dhaliyay, taasoo uusan sameynin xidig dunida soo maray.

Wuxuu tartanka kooxaha Yurub uu uga dhaliyay Tobban gool, dhamaan kulamadii uu uga hor-yimid, isagoona udheelay dhamaan kooxihii uu usoo dheelay Kabtanka xulka Portugal.

Sikastaba, tani waxay ka dhigan tahay in Juventus ay tahay kooxda uu ugu jecelyahay in CR7 marka ay timaado inuu gooldhaliyo, dhanka kaliya waa midka kaliya ee yaqaan sida uu khaarijiyo Juventus.

Ronaldo ayaa wuxuu hadda yahay ciyaaryahan udheela naadiga Juventus, kadib labadda kooxood ee Juve iyo Real Madrid ay xaqiijiyeen inay ku heshiiyeen beeciisa, shalay oo Talaado ahayd.

Wuxuu hadda Dalxiis uu ku joogaa CR7 dalka Greece, isagoo lagu waddo inuu yimado Talyaaniga dabayaqaadda bishaan, si taageerayaasha iyo saxaafadda loogu soo bandhigo Ronaldo.