Xaqiiqooyin laga diiwaan galiyay Goolashii Mohamed Salah ee kulankii Anfield.

Weeraryahanka kooxda kubada cagta liverpool ee Mohamed Salah wuxuu noqday xiddigii ugu horeeyay ee Afar gool ku dhaliya afartii kubad oo uu goolka la beegsaday hal kulan tan iyo Andrey Arshavin kaas oo isagoo ka tirsan kooxd Arsenal ku sameeya Liverpool April 2009.

Mohamed Salah wuxuu noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka tirsan Liverpool isla markaana dhaliya afarley tan iyo Luis Suarez kaas oo shabaqa kasoo taabtay Norwich City – December 2013.

Mohamed Salah wuxuu noqday Masaarigii ugu horeeyay ee sadexley ka dhaliya  horyaalka Premier League.

Dalka Masar ayaana noqodaay wadankii 43-aad ee Xidigaha kasoo jeeda ay sadexley ka dhaliyaan horyaalka Premier League.

Sidoo Kale Dalka Masar ayaa noqday wadankii 10-aad ee Africa ah isla markaana cayaartoyda kasoo jeeda ay sadexley ka dhaliyeen tartankaan.

Mohamed Salah wuxuu dhaliyay 36-gool xilli cayaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan, waana xidigii ugu badnaa ee sidaas sameeya xili cayaareedkiisa ugu horeeya ee Liverpool.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 28-gool kulamada horyaalka Premier League, kaliya hal xidig oo kasoo jeeda Africa ayaa hal xilli cayaareed goolasha laga dhaliyo horyaalka kaga badan waana Drogba oo 29-gool dhaliyay 2009/2010.

W\Q: Abdirashid Mohamud Shardinho

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com