Xavi Hernández ayaa sheegay in uu doonayo in uu tababare u noqdo kooxda ..

Halyeeyga  hore ee Kooxda Barcelona Xavi Hernández ahna macalinka Kooxda dalka Qatar ee Al Sadd ayaa sheegay in uu doonayo in uu tababare u noqdo kooxda Barcelona mustaqbalka dhaw.

Tababare Xavi Hernández ayaa sheegay in uu doonayo in uu halka ugu hoosaysa ka soo bilaabo mashruuciisa hadii uu Barcelona tababare u noqdo isaga oo sheegay in uu la soo saxiixan doono xiddigaha ay ugu horeeyaan Neymar, Jadon Sancho iyo Serge Gnabry”

Xavi Hernández oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri”Waxa aan doonayaa in aan tababare u noqdo Barcelona kuna laabto aniga oo tababare u ah”.

Laakiin waxa aan mashruucayga ka soo bilaabayaa Halka ugu hoosaysa Waxa aan haatan u arkaa in aan noqon karo tababaraha kooxda Barcelona waxana aan kooxda keeni doonaa xiddigaha Neymar, Jadon Sancho iyo Serge Gnabry”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com