Xavi Hernandez Oo Shuruud Ku Xiray In Neymar Uu Ku Dhowaado Darajada Messi Iyo Ronaldo

Neymar waxa uu haatan xusul-duub uu ugu jiraa inuu xirfadiisa kubadda cagta uu ka gaaro darajadda ay tiig-sadeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Ronaldo iyo Messi waxaa u waab-saneed tobbankii sano ee lasoo dhaafay dunida kubadda cagta, xili uu mid kasta ku guuleystay abaalmarino qaali ah.

Xavi Hernandez, ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa wuxuu qabaa in si uu wiilka PSG u gaaro heerka ay gaareen ciyaartoydiisa ay tahay inuu si adag ushaqeeyo.

“Hadii uu ushaqeeyo si adag, waa uu gaari karaa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi,” ayuu Xavi Hernandez yiri, xili uu wareysi siinayay Telafishin.

Geesta kale, Xavi ayaa laga soo xigtay inuu wali hayo tamar uu ugu sii jiro kubadda cagta, isaga oo ka gaabsaday shaacinta mudada uu ka fadhiisanayo.

Gabagabadii, laacibkii hore ee xulka Spain iyo Barcelona, ayaa wuxuu wanaag urajeeyay inta ka dhiman xili ciyaareedkan ciyaartoydii ay horey usoo wada shaqeeyeen.