Xavi Oo 2 Arin Kula Taliyay Dembele Si Uu U Noqdo Halyeey Uuna U Burbursado Daafacyada Real

Halyeeygii hore ee kooxda kubada cagta Barcelona, ee Xavi Hernandez ayaa wuxuu kula taliyay ciyaaryahanka Barca ee Osman Dembele inuu maskax ahaan isku xoojin, islamarkaana uu mar walba usheego nafsadiisa inuu yahay ciyaaryahan Barcelona, udheela.

Dembele ayaa wuxuu Barcelona, uga soo biiray dhigeeda Dortmund, markaasoo lagu soo iibsaday aduun lacageed dhan 105 Milyan oo Yuuroo, laakiin ma uusan sameyn wixii laga filayay, inkastoo dhaawacyo ay wareeriyeen.

Sikastaba, laacibkaan wadanka Faransiiska, udhashay ayaa wuxuu hadda umuuqdaa mid la qabsaday Jawiga kooxda, isagoona muuqaal ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay, laakiin Xavi ayaa qaba in wali ay waxbadan u harsan yihiin.

“Marka hore, waa inuu maskax ahaan ukoraa, uuna usheegaa nafsadiisa inuu yahay ciyaaryahan Barcelona,” ayuu ku sheegay ciyaaryahan Xavi, wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Majalada See Foot.

https://laacib.so/xabi-alonso-oo-lewandowski-kula-taliyay-inuu-bayer-sii-joogo-xili-real-ay-u-gaarsaneyso-sababta/

“Isaga hadii uu doonayo inuu dhex-jeeso daafacyada sida Ramos, Marcelo ama Luka Modric, waa inuu marka hore fahmo falsafada kooxda, oo ah in garoonka lagu ay iyada iska leedahay 30 mitir qeyb ahaan,” ayuu sii daba dhigay.

“Inkastoo uu si fiican udheelay kulamadii ugu dambeeyay sida kan Chelsea iyo kuwa kale, hadana wuxuu wali ubaahan yahay inuu wax badan sameeyo, uuna nafsadiisa usheegao inuu yahay ciyaaryahan Barcelona udheela.

“Maxaa yeelay hadii aad dooneyso inaad Halyeey ka noqato Barcelona, waa inaan wax badan niyadaadu ay tahay mid xoogan, waana wada kaliya ee uu ku noqon karo Halyeey,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Xavi Hernandez.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com