Xavi Oo Dembele Ugu Baaqay Inuu Ku Daysado Xidig Real U Dheela Si Uu Bandhig Fiican U Sameeyo

Halyeeygii hore ee kooxda kubada cagta Barcelona, ee Xavi Hernandez, ayaa wuxuu ku booriyay xidiga Bluagrana, ee Osman Dembele, inuu ku daysado laacibka Real Madrid, ee Lucas Vasquez, si uu muuqaal ciyaareed fiican usameeyo.

Vasquez, ayaa wuxuu noqday ciyaaryahan mustaqbal fiican leh, kadib markii ciyaarihii ugu dambeeyay ee oo udheelay Los Blancos, markii uu soo galo garoonka uu wax badan ka bedalay bandhig kooxdiisa uuna goolal dhaliyo.

Mid kamid ah kulamadii sida weyn loo amaanay wiilkaan wadanka Spain udhashay waxaa kamid ah kulan ay naadigiisa wajahaday dhigeeda PSG, gaara ahaan lugtii koowaad markaasoo bedal uu ku yimid, isagoona shaqo fiican qabtay.

“Wax walba oo uu Lucas Vasquez sameyno waxaa sabab u ah inuu maskax ahaan u xoogan yahay,” ayuu Xavi ku sheegay wareysi uu siiyay Shabakada See Foot.

Isagoo sii daba dhigay: “Muxuu Vasquez, sameeyay kulankii PSG? Garoonka waa uu soo galay, wuxuuna go’aamiyay guusha.

“Waa saaruuq isaga – Sidoo kale, waxaa lamid ah [Presnel] Kimpembe, waxayna leeyihiin shaqsiyad iyo waliba kalsooni,” ayuu sii daba dhigay.

“Waxa ay sameynayaa – Ma wax waali ahaa – maxay tahay, Maya ma ahan – kaliya waa inay maskax ahaan uxoogan yihiin,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Xavi Hernandez, kaasoo hada udheela kooxda Al-Sadd ee wadanak Qadar.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com