Xiddig Hooyadiis darbi jiif tahay isna lacag badan ugu shaqeeya Arsenal

Laacibka da’da yar ee kooxda Arsenal ayaa Hooyadii waxa ay tahay darbi jiif aan haysan wax hooy ah isla Markaana waxa ay baafineysaa wiil;keeda si uu u Caawiyo maadaama ay 9 bilood uurka ku sidey.

Xiddiga Ainsley Maitland-Niles  Waa cayaaryahan 20 Sano jir ah oo hada ku soo biirey kooxda heerka koowaad ee Arsenal waxa uu saxiixay heshiis uu Todobaadkii ku qaato £30,000-Waxa uu ku noolyahay guri ku yaala waqooyiga Magaalada London oo qiimihiisa lagu sheegay £700,000 Hooyadiin Waa darbi jiif aan waxba haysan.

Jule Niles, oo 38 Sano jir ah Waa hooyada dhashay Cayaaryahanka kooxda  Arsenal ee Ainsley Maitland-NilesWaxa ay Waraysi siiyey Wargeyska The Sun On Sunday .iyada oo ka codsatay Wiilkeeda in uu ugu deeqo lacagta mushaarkiisa 2 bilood si ay ugu iibsato meel ay Seexato isla Markaana ay ugu Noolaato waxaana ay soo qoratay boor ay ku baafineyso wiilkeeda oo u muuqda mid aan dheg jalaq u siin doonin Codsiga Hooyadiisa.

Ma ahan markii koowaad oo cayaaryahan kubada cagta dheela Waa lidkii ka baafiyaan war baahinta isla Markaana ay ku noolaadaan Nolo aad u liidata waxaa horay loosoo bandhigay Cayaaryahanka kooxda Tottenham ee Dele Alli oo hooyadii ay tahay darbi jiif Mario Balotteli iyo kuwo kale dhamaantood ku shaqeeya lacago aad u fara badan waalidkiina baahanyihiin.

Image result for Ainsley Maitland-Niles and mother

Image result for Ainsley Maitland-Niles and mother

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com