Xiddig Man City ah Waxaa Cadaalad ah in Liverpool loo caleemo saaro horyaalka Premier League

Xiddig ka tirsan kooxda Manchester City ayaa sheegay inay cadaalad tahay in Liverpool ay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga qadka dhaxe ee İlkay Gündoğan ayaa xaqiijiyay inay cadaalad tahay in loo caleemo saaro Liverpool xilli ciyaareedkaan hanashada Premier League, xitaa haddii uu xiriirka kubadda cagta Ingiriiska uu joojiyo horyaalka, sababa la xiriira faafaha Coronavirus.

Shabakda “Sky Sports” ee dalka England ayaa waxay soo xigatay hadalada İlkay Gündoğan, kaddib wareysi uu bixiyay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa
Aniga ahaan, waa wax la aqbali karo, waa inaad ahaato qof caadil ah sida shaqsi isboorti ah”.

Waxaa jira fikrado kala duwan, kooxaha uu xilli ciyaareedkooda uu fiicnaa, way cadahay inaysan u fiicnaan doonin in la joojiyo xilli ciyaareedkan.”

Sidoo kale, kooxaha aan shaqo fiican ka qabanin horyaalka, ee fadhiya xarumaha heerka hoose loogu laabto, joojinta ayaa u noqon lahayd doorashada ku habboon iyaga.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com