Xiddiga Bisha Febraayo ee kooxda Man United oo la shaaciyey

Xiddiga Goolhayaha kooxda kubadda cagta Manchester United ee David De Gea ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiicnaa bishii Febraayo kooxda Man united , taasoo ay codeeyaan Jamaahiirta kooxda.man united

Taageerayaasha kooxda ayaa codeyn ay ka qeyb qaateen oo lagu qaaday barta Twitter-ka Man United waxaa codadka ugu badan helay David De Gea sidaasna ku guuleystay.

Laacibka xulka qaranka Spain ayaa sameeyey bishii la soo dhaafay wacdaro dhigay, isagoo kulamo qaar shabaqiisa gool ka ilaashaday kooxdiisa dhibco u badbaadiyey, kaddib markii uu sameeyey badbaadooyin cajiib ah.

De Gea ayaa helay codad dhan 60%, waxaana kaalinta labaad soo galay Scott McTominay oo helay codad dhan 21%, Romelu Lukaku ayaana ku dhammaystay kaalinta saddexaad kaasoo helay 19%.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com