Xiddiga Jorginho Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya kooxda Juventus

Wakiilka Jorginho ayaa sheegay in uuna xiddiga qadka dhexe diidi doonin kooxda Juventus laakiin sheegay in uuna Agaasimaha Juventus ee Fabio Paratici kala soo xiriirin xaalada xiddiga.

Macalin Juventus ee Maurizio Sarri ayaa Jorginho kula soo shaqeeyay kooxaha Napoli iyo Chelsea waxana mar kale lala xidhiidhinayaa in uu la midoobayo tababaraha.

Juventus waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub xiddig walbana wuu jecelyahay in uu u ciyaaro”ayuu wakiilka Jorginho ee Joao Santos u sheegay Radio Kiss Kiss.

Waxba kama maqlin agaasimaha Juventus ee Fabio Paratici, ilamana soo xidhiidhin, Jorginho waxa uu Chelsea kula jiraa heshiis 3 sano ah waxana uu si fiican ugu ciyaaraa Blues  Waxa aan arkay warar badan oo Jorginho la xidhiidhinaya Juventus.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com