Xiddiga Messi ayaa guddoomay abaal-marin cusub

 Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa guddoomay abaal-marin cusub.

Lionel Messi ayaa loo caleemo saaray abaal-marinta ESPY Award ay bixiyaan Channaalada shabakada ABC, kaddib markii uu helay codeyntii ugu badneyd ee ah Laacibka ugu fiican kubadda cagta adduunka ee 2019.

Messi ayaa soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka sawirkiisa isagoo xambaarsan abaal-marinta ESPY Award wuxuuna soo raaciyay qoraal ah:

Waad mahadsantihiin qof walba oo ii codeeyay si aan ugu guuleysto abaal-marinta Laacibka ugu fiican kubadda cagta adduunka 2019 ee ESPY Award.

Waxaa xusid mudan in Lionel Messi uu dagaal xoogan ugu jiro ku guuleysiga abaal-marinta ay bixiso FIFA, xiddiga sanadka ee The Best, waxayna ku tartami doonaan labadda xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Virgil van Dijk.