Xiddigaha Dhaawaca Uga Maqnaan Doona Wareega 16-ka ee Champions League

Waxaa caawa dib u bilaabmi doona tartanka champions League wareega 16-ka iyada oo la ciyaari doono kulamo adag

Si kastaba ahaatee waxa jira ku dhawaad 40 laacib oo seegi doona wareegan 16-ka oo dhaawacyo qaba.

Hadaba waxa aan halkan idinku soo gudbin doonaa maqnaanshaha ugu waaweyn ee ka maqnaan doono kooxohooda kulamada wareega 16-ka.

Roma Vs Fc Porto:

Kooxda Roma ayuu ugu horayn ka maqnaan doonaa goolhayaha 1-aad ee Robin Olsen kaas oo dhaawacan halka ay sidoo kale ka maqnaan doonaan xiddigaha Diego Perotti, Patrik Schick & Ünder.

Kooxda Porto ayaa la mid ah iyada oo ay dhaawac uga maqan yihiin xiddigaa ugu fiican Jesus Corona, Moussa Marega & Aboubakar.

Manchester United Vs PSG:

Kooxda Man United ayaa ah kooxda kaliya ee aanay wax xiddigo muhiim ah ka maqanynd iyada oo uu tababare Solskjaer haysto koox buuxda oo uu ka soo xulan karo shaxdiisa kulanka caawa.

kooxda PSG ayaa ku dhex jirta mashaqo iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigaha ugu muhiimsan sida Neymar, Cavani, Meunier iyo waliba Lass kuwaas oo dhamaantood dhaawac ku maqan.

Olympique de Lyon Vs Barcelona:

Kooxda Lyon ayaan waayi doonin xiddigo badan oo muhiim ah marka laga reebo da’yarka Amine Gouiri kaas oo ku seegi doona dhaawac xun oo jilibka ka soo gaadhay.

kooxda Barcelona ayaa dhaawac ku waayi doonta daafaca Samuel Umtiti, Jasper Cillessen Iyo xiddiga qadka dhexe ee Arthur Melo.

Manchester City Vs Schalke 04:

Kooxda Ppe Guardiola ayayna ka maqnaan doonin xiddigo waaweyn oo saamayn ku leh shaxdiisa iyada oo ay ka maqnaan doonaa xiddigaha Claudio Bravo & Vincent Kompany.

kooxda Schalke ayay ka maqan yihiin xiddigo muhiim u ah oo ay ka mid yihiin xiddigaha Benjamin Stambouli & Breel Embolo kuwaas oo ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Atlético de Madrid Vs Juventus:

Naadiyaasha Atletico Madrid iyo Juventus ee Simeone & Allegri ayaa dib u helo doona xiddigo muhiim ah iyada oo Atletico Madrid dib u heli doonta xiddigaha Savic, Koke & Diego Costa.

Sidoo Kale Juventus ayaa la mid ah iyada oo ay kooxdu dib u heli doonto xiddigaha Daafaca uga ciyaara ee BBC Chiellini, Barzagli & Bonucci inkasta oo ay waali doonaan xiddiga garabka ee Cuadrado.

Liverpool Vs Bayern Munich:
Tababare Klopp ayaan shaxdiisa ku soo dari karin xiddigaha Joe Gomez & Oxlade- Chamberlain kuwaas oo dhaawac kaga maqnaan doona.

kooxda Bayern Munich ayuu dhaawac uga maqan yahay kaliya xiddiga khadka dhexe ee Tolisso kaas oo dhaawac jilibka ah qaba.

Tottenham Vs Borussia Dortmund:

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Pochettino ayaa wajahaya wakhti adag isaga oo ay kooxdiisa ka maqan yihiin xiddigaha Delle Alli iyo Harry Kane kuwaas oo dhaawac kaga maqnaan doona.

kooxda Borussia Dortmudn ayaa wayday laba xiddig oo muhiim ah kuwaas oo kala ah Manuel Akanji & Marco Reus.