Xiddigaha Ugu Mushaarka Badan Dunida , yaa Ugu Horeeya Messi iyo Ronaldo

Xiddiga Messi ayaa weli hogaanka u haya xiddigaha ugu mushaarka badan dunida kubadda cagta isaga oo ka sareeya laacibka Ronaldo sida ay shaacisay wargeyska da L’Équipe ee France

Messi oo 32 sano jir ah ayaa bishii qaata musuhaar gaaraya 8.3 milyan oo euro halka Ronaldo oo 35 sano jir ah uu qaato 4.5 milyan oo euro

Labadaas  xiddig  ayaa ka wada mushaar sareeya xiddiga PSG ee Neymar kaasi oo qaata bishii sedex milyan oo euro halka saaxibkiisa kale ee Mbappé uu qaato kaliya sedex milyan oo euro

Liiskaan waxaa soo galay goolhayaha United ee De Gea kaasi oo horyaalka england ugu mushaar badan waxa uu qaataa 1.76 euro isaga oo ka sareeya Ozil , De Bruyne kuwaasi oo Arsenal iyo City ka qaata 1.64 milyan oo euro

Dhanka Jarmalka labada xiddig ee Muncih ee kala ah Lewandowski iyo Philippe Coutinho oo amaah uga soo maqan Barcelona aya qaata 1.66 milyan oo euro bishii waxa ayna sidaas ku noqdeen xiddigaha ugu mushaarka sareeya Jarmalka

Sidoo kale  Talyaaniga , marka laga yimaado Ronaldo , waxaa soo raaca xiddigaha kala ah Dybala iyo Higuaín oo kala qaata 1.09 iyo 1.06 milyan oo euro bishii waxa ayna sidaas ugu jiraan liiska xiddigaha horyaalka Italy ugu mushaaka badan .

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com