Xiddigo Muhiim Ah Oo Seegaya Safka Xulka Qaranka Soomaaliya

Afar ka mid ah ciyaartooyda Xulka Qaranka ayaa siyaabo kala duwan ugu maqnaan doona tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Cecafa Challenge ee dhawaan ka dhicidoono wadanka Uganda inta u dhaxaysa 07-18-December 2019,balse waxay isku diyaarin doonaan tartamada soo aadan ee uu ka qeyb galidoono Xulka Qaranka Soomaaliya.

Wararkan waxaa xaqiijiyay maamulaha kooxda Xuka Qaranka macallin Said Abdi Haibeh,isagoo guul iyo horomar u rajeeyay laacibiintaas da’daalka badan.

Xidigaha Xulka ka maqan doona waxay kala yihiin Axmed Cali Maxamuud,Abil Gigil Mohamed,Cabdrisaaq Maxamed iyo laacib Fahad Ismaaciil oo ka mid ahaa xidigihi wacdaraha ku soo bandhigay labadii kulan ee Is reeb reebka koobka aduunka ee Xulkeena bishii September 2019 la dheelay dhigiisa Zimbabwe.

Cabdirisaaq Maxamed iyo Abel Gigli Mohamed ayaa safka xulka ku seegi doona xaalado dhaawacyo ah,halka Axmed Cali iyo Fahad Ismaaciil ay sheegteen arimo qaas ah oo iyaga haysta,balse waxay xidigahaan si wada jir ah u sheegeen in ay garab taaganyihiin saaxiibadooda ee ku jira waajibaadlka Qaranka Soomaaliya.

W/Q:Maxamed Xuseen Qalinle

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com