Xidig Ka Tirsanaa Arsenal Oo Si Yaab Leh Uga Hadlay Taksiile Uu Goosaha Ka Daadiyey

Nicklas Bendtner, weerar yahankii hore ee Arsenal ayaa wuxuu raaligelin uu ka bixiyey dagaal uu la galay Darawal Taksiile, kaasoo uu Goosaha kaga daadiyey.

Shilkaan oo ka dhacay magaaladda Copenhagen ee caasimada dalka Denmark, halkaasoo uu ugu dheelo xidigaan naadiga Rosenborg ayaa sababay in saacado xabsi la dhigo.

Saxaafadda dalka Denmark ayaa soo warisay in laacibkaan udhashay wadanka Germany lasii daayey saacado kadib, inkasta oo aanan la ogayn hadii xukun maxkamadeed uu ku dhacay.

“Sida aad warbaahinta ka aragteen waxaa ku lug-yeeshay shil nasiib daro ah, kaasoo dhacay Aroornimadii Axad ahayd,” ayuu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saarey.

“Waxaan rabaa inaan raali-gelin ka siiyo qof walba oo ay dhibtay, si gaar ah shaqsigii aan dhibaatadda u geysatay, waana ka xumahay wixii dhacay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Waxaan rabaa inaan cafis waydiisto, maxaa yeelay waa fal aad looga naco, waxaana ka shalaynayaa wax kasta oo iga dhacay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.