Xidiga Barca Ee Andres Iniesta Oo Shaaciyay 2 Koox Oo Ka Baqayaan Inay Ku Aadan Wareega 8 UCL

Kabtanka kooxda kubada cagta Barcelona, ee Andres Iniesta ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in kooxaha reer Spain ee ku jira wareega Sideed dhamaadka ee tartanka Champions League aysan dooneyn inay ku wajahaan darajadaan, Kooxahaas ayaa waxay kala yihiin Real Madrid iyo Sevilla kuwaasoo cagta soo mariyay naadiyadda kala ah: PSG oo Los Blancos soo dar-dartay iyo Sevilla oo afka ciida usoo gelisay kooxda kubada cagta Manchester United oo UK ka dhisan.

Iniesta oo warbaahinta la hadlayay kadib ciyaartii ay xalay dhabarxaada gaarsiiyeen dhigooda Chelsea, ayaa wuxuu sheegay in kooxahaan ay yihiin kuwa awood ahaan aan caadi ahayn, islamarkaana muuqaal ciyaareedkeedu uu sareeyo.

“Kooxaha reer Spain ma aanan doorbida lahayn inaan ku aadno, maxaa yeelay dhinac walba oo iyaga kamid ah, waa kuwa fiican,” ayuu Iniesta usheegay wariyaasha

“Ma aanan doorbida lahayn midkoodna inaan ku aado ma ahan Real ama Sevilla, waxaan dookhan lahayn kuwa kale,” ayuu raaciyay.

Mar uu ka hadlayay rajadooda Champions League ayuu yiri: “Mar walba waa yoolkeena aan ku guuleysano Champions League, laakiin waa mid aad u adag.

“Hal kulan oo xun, kaama saari karto [tartanka] inaan haysano Messi ayaa ka dhigan inaan ku guuleysan karno Champions League, maxaa yeelay waa mid sameyn kara kulan walba isbedal iyo saameyn muuqata,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Iniesta.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com