Xidiga Barcelona Ee Malcom Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Arsenal – Miyuu Xaqiijiyay?

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Spain ayaa qoraysay saacadihii lasoo dhaafay in laacibka Malcom uu ku biirayo Arsenal ayaa waxaa si adag uga jawaabay wiilka garabka uga dheela Barcelona.

“Waxaan rabaa inaan cadeeyo warka dhowaanahan kasoo ifbaxay gudaha Spain,” ayuu yiri wiilkaan reer Brazil, sida ay kasoo xigatay Daily Star.

“Aniga waxaan yimid Barcelona iyadda oo aan leeyahay hadafyo, kuwaasi oo aan ogahay shaqsi ahaan,” ayuu raaciyay.

“Horumarkeyga wuxuu ku jiraa halkaan, oo aan ku farax-sanahay maalina aan ku gudbi doono,” ayuu raaciyay.

“Hadafkeyga waa inaan riyadeyda ka rumeeyo. Qoyskeyga ayaa sidoo kale si wanaagsan ula qabsanaya magaaladda.

“Sikastaba, aniga waxaan sii wadi doonaa inaan udagaalamo wax kasta, oo go’aan ka gaaraya xirfadeyda,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Malcom.

Sikastaba, Malcom ayaa wuxuu kusoo bilowday kulankii ay Barcelona 1-0 ay uga adkaatay dhigeeda Leonesa, kaasi oo ka tirsanaa tartanka Copa del Rey, oo kamid ah kuwa ugu waawayn wadanka Spain.