Xidiga Bayer Ee Alcantara Oo Ka Hadlay Hadii Ay Jirto Koox Ay Ka Baqayaan Inay Ku Wajahaan UCL

Ku guuleystaha afarta jeer ee horyaalka wadanka Jarmalka ee Thiago Alcântara, ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin koox hada jirta taasoo ay ka baqayaan inay ku wajahaan tartanka xiisaha leh ee Champions League, kaasoo ay hada wareega 16-ka ka joogaan.

Bayern Munich, oo uu ka tirsan yahay xidigaan ayaa waxay la balansan tahay Isbuuca dambe inay ka hortegto dhigeeda Besiktas, iyadoona lugtii hore ay Bayer, kusoo burbursatay kooxda dalka Turkiga ka dhisan 5-0 taasoo ah faa’ido badan.

Kulanka lugta labaad oo Arbacada Isbuuca dambe dhici doona ayaa wuxuu ka qabsoomi doonaa garonkav Vodafone Arena, kaasoo ay ku dheesho Besiktas, islamarkaana ku yaala Degmada Istanbul, ee caasimada Turkiga isagoona qaada 41,903 qofood.

Mar la weydiiyay hadii ay jiro koox ay ka baqayaan inay ku wajahaan tartanka Champions League ayuu ku jawaabay: “Ma jirto dhinac aan ka walwalsanahay inaanan ku beegmin.

“Barcelona, Real Madrid iyo City, dhamaan waa kuwa aad dooneyso inaan la dheesho,” ayuu xidigaan dalka Spain udhashay hadalkiisa kusii daray.

“Laakiin, kooxna ma ilahan inaan ka baqayno inaan wajahno – Waxay haystaan ciyaaryahano nala mid ah – Marka waa inaan la tartankaan oo aan aragnaa sida ay noqon karno kuwa fiican waqtigaas,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com