Xidiga La Dhashay Eden Hazard Oo Niyad-jabiyay Real Madrid Xili Uu Ka Farxiyay Jamaahiirta Chelsea

Eden Hazard ayaa muddo dheer lala xiriirinayaa Real Madrid, balse walaalkiisa Thorgan Hazard ayaa sheegaya inuu ku qanac-san yahay inaan la joogin waqtigii saxda ahayd oo uu Los Blancos ku biiri lahaa.

Isaga oo tilmaamaya barta xaalad aan deganeen iyo waqtiga ciyaartoyda, ayuu sheegay in isaga ay sharaf u tahy in walaalkiisa uu go’aan saday sidii joogitaanka Chelsea sanad ciyaareedka 2018/19.

“Waa go’aanka saxda ah in Eden uu joogo,” ayuu yiri Thorgan Hazard oo wareysi siiyay Joornaalka reer Belgium ee HLN

“Chelsea ma qorsheynin inay iibiso isaga xagaagii lasoo dhaafay, iyo hadda isaga wuxuu ula bilowday si fiican Maurizio Sarri.

“Real Madrid waxay usocotaa inay qaadato waqtiyo adag. Iyagu waxay eryeen macalinkooda, ciyaartoy muhiim ah ayaa tegtay, iyagu hadda dib-udhiska kooxda waa inay ka shaqeeyaan.

“Eden uma dhaqaaqayo meel qaldan. Isaga wuxuu eegi doonaa waxa dhaca dhamaadka fasal ciyaareedkan. Aniga waan garanayan isaga, kuma fekerayo inuu baxo,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Thorgan Hazard.