Xidiga Man Utd Ee Romelu Lukaku Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Liverpool Ka Hor Kulanka Premier League

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Manchester United ee Romelu Lukaku, ayaa wuxuu ka hadlay ciyaarta ay la balansan yihiin Isbuucan soo aadan kooxda Liverpool, taasoo ka tirsan horyaalka Premier League, ee dalka Ingiriiska.

Ciyaartaan oo ah mid aad loo wada sugayo ayaa waxay go’aamin doontaa kooxda fasal ciyaareedkan kaalinta labaad uga dhameysan karta EPL, inakstoo ay harsan yihiin wax ka abdan Tobban kulan oo la dheeli doono.

Laakiin, kuwa ka faalooda cayaaraha ayaa qaba in marka la eego awooda labada kooxood uu kulankaan noqon karo midka kala cadeeya kooxda xagaagan labaad uga dhameysan karta shaxda kala horeynta ee EPL, xili hada ay 3aad iyo 2aad ay kala fadhiyaan.

“Kani waa kulan kamid ah kuwa ugu adag, kuwaasoo ay dheeli doonto fasal ciyaareedkan,” ayuu Lukaku usheegay Shabakada Sky Sport

“Wuxuu yahay mid wax weyn nooga dhigan, sababtoo ah, wuxuu go’aamin doonaa booska aan ka geli karno shaxda kala horeynta ee EPL,” ayuu hadalkiisa ku daray

“Marka, si aan u guuleysano, waxaan ubaahan nahay inaan kulankaan soo bandhigno waxa aan nahay, waxaana ku kalsoonahay inaan sameyno doono,” ayuu raaciyay.

“Marka aan aniga ahaan iska hadlo, waxaan mar walba ahay mid jecel inuu guuleysto, waana waxa aan halkaan u imid inaan guuleysto kulamadaan oo kale, waxaana doonayaa inaan ku guuleysto koobab,”ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com