Xidiga Real Ee Karim Benzema Oo Dib Isaga Weeraray Dadka Shakiga Gelinaya Tayadiisa Gooldhalinta

Karim Benzema ayaa dhaliyay labo gool kulan ciyaareedkii ay kooxdiisa wajahaday dhigeeda Plzen, kaasi oo qayb ka ahaa tartanka Champions League, ayna kusoo badiyeen 5-0.

Los Blancos waxay kamid tahay kooxaha loo saadaalinayo inay xagaagan hanan karaan koobkaan, kaasi oo ay daafacanayaa sanadkii afaraad.

Gooldhaliyahaan udhashay Faransiiska ayaa wajahayey sanadihii udambeeyay dhaleecayn ku saabsan inay liidato tayadiisa gooldhalinta, taasi oo uu dhinac isaga leexiyay.

Banzema ayaa wacad ku maray inuu joogteynayo muuqaal ciyaareedkiisa wacan inta ka dhiman xili ciyaareedkan oo ay caqabado kala duwan wajahayso kooxdiisa.

“Qofka wuxuu xor u yahay inuu ka hadlo afkaartiisa. Sababtaasi darteeda, anigana waxaan xuquuq u leeyahay inaan is-daafaco,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

“Waxaa iga go’an inaan kooxda caawiyo, waana isku deyi doonaa inaan joogteeyo bandhigyadeyda, waana u farax-sanahay goolasha aan dhaliyay,” ayuu ku daray.

“Qof kasta waxbuu sheegi karaa, laakiin inaan gooldhaliye ahay qofna ma dafiri karto, inkasta oo nasiibka loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Karim Benzema.