Xidigaha Liverpool Oo Haysta Dhiiro-gelin Ka Fiican Kuwa Real Ka Hor Final UCL & Sababta OO Faah-faahsan

Real Madrid ayaa waxay final-ka Champions League oo 26-ka bishaan May kula dheeli doonan Magaalada Kiev dhigooda Liverpool ayaa waxay rajeynayaa inay ku guuleystaan markii sadexaad oo ah koobka ugu xiisaha badan Yurub.

Laakiin, Liverpool ayaa waxay  heleysaa dhiiro-gelin ka badan mida Los Blancos, waa hadii ay kasoo talaabsadaan boqorada Yurub.

Ciyaaryahan walba oo Liverpool udheela ayaa wuxuu heli doonaa 200,000 Yuuroo, waa hadii ay luxaan koobkoodii lixaad, taasoo ka dhigan in wadar ahaan kooxda ay heli doonto 15.5 Milyan oo Yuuroo, taasoo ay ku abaalmarineyso UEFA.

Kooxda reer England ee Reds ayaa waxaa loo siiyay mar sii horeysay 6.5 Milyan oo Yuuroo inay soo gaaraan Sideed dhamaadka Champions League, hadana inay soo gaaraan Finalka ayaa waxay utahay inay helaan dhaqaalo ka badan midaas.

Dhaqaalaha ay halayso Liverpool waxay ka badan yihiin intii la siiyay Los Blancos markii ay ku guuleystay sanadkii ugu dambeeyay, kaasoo ahaa 10 Milyan oo Yuuroo, inkastoo xidig walba oo Los Blancos udheela uu qaatay sanadkii 2017 320,000 Milyan oo Yuuroo.

Markii ugu dambeysay oo ay Liverpool ku guuleysato Champions League oo ahayd 2005-kii ayaa waxaa tan iyo xiligaas aanan si fiican uga soo dhex-muuqan koobkaan, laakiin hada waxay umuuqdaan kuwa bandhigooda uu sareeyo.

Zinedine Zidane, oo ah macalin khabiir ah, islamarkaana horey ugu soo guuleystay koobkaan isagoo ciyaaryahan iyo macalin ah, ayaa wuxuu isha ku hayaa inuu sameeyo taariikh wayn, uuna noqdo mid ku guuleysta markii saddexaad oo xiriir ah.

Jorgen Klopp uu Liverpool hogaamiya ayaa isana xusul duub ugu jira inuu hanto Champions League markii ugu horeysay xirfadiisa macalinimo, wuxuuna doonayaa inuu iska tir-tiro ceebtii kasoo gaartay final-kii Wambley oo ay Bayern Munich ka qaaday, xili uu Dortmund joogay.

Sikastaba, marka loo eego dhiir-gelinta dhaqaale oo ay haystaan ciyaartoyda Liverpool, waa macquul ah inay sameeyaan wax aanan laga filayn, inkastoo leysku raacsan yahay in Real Madrid ay tahay mida ugu cad-cad hanashada koobkaan.