Xidigi Hore Ee Real Fernando Morientes Oo Shaaciyay Kooxda & Xulalka Ugu Cad Koobka Aduunka 2018 & UCL

Fernando Morientes, oo horey ugu soo dheelay Real Madrid, ayaa wuxuu aaminsan yahay in inkastoo kooxdiisii hore ay hada tahay mid ku dhibtooneysa La Liga, ay wax fiican ka sameyneyso Champions League, halkaasoo ay ugu cad-cad inay qaado, sida uu yiri.

Sidoo kale, laacibkaan ayaa waxyaabaha uu ka hadlay waxaa kamid ah, koobka aduunka ee 2018, kaasoo uu ku celceliyay inuu yahay mid adag, inkastoo uu hoosta ka xariiqay in saadaashu ay ubadan tahay Germany, Brazil iyo Argentina.

“[Real Madrid] waqtiyo adag ayay ku qaadaneysaa La Liga, laakiin bandhig qurux badan ayay ka sameynayaa Champions League,” ayuu Fernando Morientes usheegay warbaahinta, xili sheekadaas wax laga weydiiyay.

“Iyaga iyo hogaamiyaasha, waxaa udhaxeeya farqi badan, kaasoo keenay inay diirada saaraan Champions League, waxayna yihiin kuwa ugu cad-cad ee ku guuleysan kara,” ayuu hadalkiisa kusii daray, Fernando Morientes.

Koobka Aduunka mar uu soo hadal qaaday ayuu yiri: “Waxaan ahay mid iska xaadirin doona Ruushka, waxaa yeelay waxaan doonayaa inaan si degan ula socdo wax walba oo ku saabsan isaga [koobka aduunka] waana sameyn doonaa.

“[Kooxna] iskuma qaadan karto inay tahay mid ugu sareysa, sababtoo ah, waxaa jira kooxo kale, oo wanaagsan, mana garan karno mida ku guuleysan karta,” ayuu sii daba dhigay, laacibkaan udhashay wadanka Spain.

“Germany [difaacadayaasha] sidoo kale Brazil iyo Argentina, waxaa kuwa ugu cad-cad inay ku guuleystaan Champions League, maxaa yeelay waxay haysataan ciyaaryahano fiic-fiican oo wax qaban badan leh,” ayuu raaciyey.

“Laakiin, waxaa dhici karta in la arko dal ama wadan, kaasoo si lama filaan ah uqaadi kara, balse aniga ma sheegi karo, waxaana arki doonaa marka la gaaro dhamaadka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Fernando Morientes.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com