Xidigii Hore Ee Barca Luis Garcia Oo Shaaciyay Mida U Soo Baxaysa Wareega 8 UCL Barca vs Chelsea

Luis Garcia, ciyaaryahankii hore ee Barcelona, ayaa wuxuu sheegayaa in Bluagrana ay tahay mida ugu cad-cad inay usoo baxdo wareega Sideed dhamaadka ee Champions League, marka loo eego awooda ay leedahay Bluagrana, Labadaan kooxood ayaa isaga hor imaan doonan lugta labaad ee wareega 16-ka ee Champions League, taasoo ka dhici doonta Camp Nou, xili ay meesha taalo sheeko ah in lugtii hore oo Stamford Bridge ka dhacay 1-1 ay kusoo idlaatay.

Habeenka Arbacada ayaa waxaa qof walba uu yahay mid rajaynaya inuu daawado kulankaan, waana ciyaarta ugu adag, taasoo Isbuucaan laga dheeli doono tartamada ugu waa weyn Yurub, oo uu Champions League, ugu horeeyo.

“Waxaan xasuustaa wixii PSG kusoo dhacay markii ugu dambeysay oo ay booqdeen Camp Nou, xitaa iyagoo goolal kusoo dhaliyey gurigooda ayaa waxaa noqdeen kuwa aan faa’idin,” ayuu Garcia usheegay MARCA.

“Marka, Camp Nou, waa garoon ay adag tahay inaan faa’ido ku sameyso, maxaa yeelay waa garoon aad u balaaran, Barcelona oo kaliya ayaana taqaana sida loogu faa’ideysto,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Barcelona, waxay wax badan haysataa kubada, taasoo kaaga dhigeysa mid daalan, xiligaas ayayna faa’ideystaan, laakiin waa wax xoogaa faa’ido ah, maxaa yeelay goal badan ma dhalin kartid,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com