Xidigii Ugu Fiicnaa, Kii Ugu Xumaa & Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Arsenal Burbursatay AC Milan

Goolal ay ka heshay Arsenal qeybta koowaad ciyaartoyda kala ah: Henrikh Mkhitaryan iyo Aaron Ramsey, ayaa waxay ka saacideen in AC Milan oo minankeeda San Siro joogta ay kusoo xaaqaan 2-0, kulankii lugta hore e ewareega 16-ka Europa League.

Natiijadaan ayaa waxay siineysaa kooxda Woqoyga London ka dhisan faa’ido badan, maadaama lugta labaad lagu ciyaari doono garoonkeeda Emirates, waxaana ay tahay mid kaliya ubaahan inay goolal dhaliso Shabaqeedana ilaashata.

Guushaan ayaa waxay heleysaa Gunners-ka kadib markii ay guul darooyin xiriir ah ay lasoo kulantay Isbuucyadii lasoo dhaafay, waxaana la dhihi karaa inay waxay ku ciil- baxday kooxda Talyaaniga ka dhisan, gaara ahaan Magaalada Milano.

Qiimaynta Ciyaartoyda

AC Milan: G.Donnarumma (6), Calabria (5), Bonucci (6), Romagnoli (5), Rodriguez (6), Biglia (5), Bonaventura (6), Kessie (5), Calhanoglu (6), Suso (5), Cutrone (5)

Bedalka La Adeegsaday: Kalinic (6), Andre Silva (6), Borini (6)

Arsenal: Ospina (6), Chambers (6), Koscielny (8), Mustafi (7), Kolasinac (6), Xhaka (6), Ramsey (7), Wilshere (7), Ozil (8), Mkhitaryan (7), Welbeck (6)

Bedalka La Adeegsaday: Maitland-Niles (6), Holding (6), Elneny (n/a)

Xidigii Ugu Fiicnaa: Mascuud Ozil

Laacibkaan dalka Jarmalka udhashay ayaa wuxuu kulankaan ka sameeyay bandhi qurux badan, isagoona qeyb weyn ku lahaa abaabulka goolashii ay dhalisay Arsenal si gaar ah midkii Aaron Ramsey, isaga ayaa Shan daafac uga dhex-dusiyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com