Xidigii Ugu Fiicnaa, Kii Ugu Xumaa & Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Brighton Ay Dubatay Arsenal

Burburkii iyo Jahwareerka Arsenal, ayaa wuxuu wali yahay mid sii socdo, waxaana markaan guul daro kale, oo qaraar dhabarka usoo saarisay naadiga kubada cagta ee Brighton, kadib markii ay gurigda kusoo dhaweysay.

Kulanka labadaan kooxood, oo ahaa mid xiiso gooni ah xambaarsan ayaa waxay soo bandhigeen ciyaartoydii garoonka ugu jirtay muuqaal ciyaareed heer sare ah, waxaana goolasha laga dhaliyay Arsenal qeybta koowaad.

Daqiiqadii 7aad ayaa waxaa ku bilaabay Lewis Dunka, halka ciyaaryahan Glenn Murray, uu 2-0 ka dhigay daqiiqadii 26aad, ka hor inta aan kala bixin qeybta koowaad, Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa 2-1 ka dhigay.

Markii dib leyskugu soo laabtay qeybta labaad, Gunners-ka waa ay awoodi weyday inay iska soo gudo deyntii lagu lahaa, wuxuuna kulanka guud ahaan kusoo dhamaaday 2-1, oo lagu soo burbursaday Gunners-ka.

Qiimaynta Ciyaartoyda

Brighton: Ryan (7), Bong (6), Dunk (8), Duffy (8), Schelotto (7), Knockaert (7), Stephens (8), Propper (6), Izquierdo (8), Gross (8), Murray (8)

Bedalka La Adeegsaday: Bruno (6), March (6), Kayal (n/a)

Arsenal: Cech (5), Chambers (5), Koscielny (4), Mustafi (5), Kolasinac (5), Ozil (6), Wilshere (6), Xhaka (6), Iwobi (5), Mkhitaryan (5), Aubameyang (7)

Bedalka Adeegsaday: Welbeck (6), Bellerin (n/a), Nketiah (n/a)

Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa: Lewis Dunk

Lewis Dunk celebrates scoring Brighton's first goal against Arsenal

Laacibkaan reer England, kaasoo dhaliyay goolkii furitaanka ee ciyaartii Arsenal lasoo silciyey ayaa wuxuu ku lahaa goolkii labaad saameyn xoog leh, wuxuuna noqday midkii garonka ugu fiicnaa, inkastoo ay jireen xidigo kale, oo uqlmay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com