Xilli Los Blancos Hogaanka U Qabatay Horyaalka La Liga- Ramos & Carvajal Oo Guul Ku Hogaamiyay Real Madrid

Real Madrid ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay kooxda Deportivo Alaves oo ay marti ugu noqotay Estadio de Mendizorroza, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2
kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee cayaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay cayaarta, labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay cayaarta waxaana 0-1 ka dhigay kabtankooda Sergio Ramos, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Toni Kroos

Image result for deportivo alaves 2-1 real madrid

Daqiiqadii 65-aad kooxda Deportivo Alaves ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Lucas Perez, cayaarta ayaana sidaas ku noqotay barbaro 1-1 ah

Laakiin daqiiqadii 69-aad markale kooxda Real Madrid ayaa markale la wareegtay hogaanka ciyaarta, kaddib markii uu Dani Carvajal ka dhigay 1-2

Image result for deportivo alaves 2-1 real madrid

Ugu dambeyntii cayaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-2 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Real Madrid

Image result for deportivo alaves 2-1 real madrid

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com