Xiriirka UEFA oo shaaca kaqaaday 20-ka ciyaaryahan ee xili ciyaareedkan ugu fiincaa Champions League

Koobka qaarada yurub ee Champions League ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Madrid ee dalka Spain, xiriirka UEFA ayaana haatan ku dhawaaqay 20-ka xiddig ee ugu fiicnaa xili ciyaareedkan.

Kulankii ka dhacay garoonka Atlético Madrid ee Wanda Metropolitano ayaa ku soo dhamaaday 2-0 ay ku adkaatay kooxda Liverpool, guushaas ay liverpool ka gaartay Tottenham Hotspur ayaa ka dhigtay inay markeedii 6-aad ku guuleysato koobka horyaalada Yurub.

Kormeerayaasha farsamada ee UEFA ayaa doortay 20-ka ciyaaryahan ee xili ciyaareedkan 2018-2019 ugu fiicnaa tartanka Champions League.

Kooxda koobkan hanatay ee Liverpool ayaa shaxdan ku yeelatay 6 ciyaaryahan, halka guud ahaan kooxaha Premier League ay ku yeesheen 11 laacib.