XOG: Lionel Messi Oo Ku Dhaw In Uu Jabiyo Rikoodh Taariikhi Ah Sanado Ka Horna Loo Arkay Mid Aan Loo Dhawaan Karin

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku sii dhawaanaya in uu jabiyo rikoodh taariikhi ah oo wakhti loo arkay mid aan la jabin karin wax walba oo dhaca.

Rikoodhkaas ayaa ah midkii uu dhigay halyeeyga reer Brazil ee Pele kaas oo 643 gool u dhaliyay koox kaliya kooxdaas oo ah koxoda reer Brazil ee Santos 18 sano oo uu joogay kooxdaas.

Lionel Messi ayaa haatan u jira 39 gool oo kaliya in uu bar-bareeyo rikoodhkaas.

Ma jirin ciyaartoy xitaa ku fikirayay rikoodhkaas tan ilaa soo bixistii Lionel Messi rikoodkaas oo uu Pepe dhigay intii u dhexaysay 1956 iyo 1974.

Xiddigii ugu dhawaaayaa ahaa Halyeeyga Bayern Munich ee Gerd Muller kaas oo dhaliyay 565 kaas u dhaliyay Bayern intii u dhexaysay 1964 ilaa 1974.

Si kasta ha ahaatee goolkii uu Lionel Messi ka dhaliyay kooxda Sevilla Axadii ayaa ahaa goolkii 604-aad ee uu u dhaliyay Barcelona isaga oo kaliya u jiray 39 gool rikoodhka Pele.

Lionel Messi ayaa fursad fiican u haysta in uu rikoodhkaas jabiyo xilli ciyaareedkan marka loo eego in uu 40 gool u dhaliyay Barcelona 10-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay