XOG: Waqtiga Uu Goolhaye Gianluigi Buffon Ku Dhawaaqayo Ka Fariisashada Kubada Cagta Oo La Ogaaday

Gianluigi Buffon, goolhayaha Juventus iyo qaranka Talyaaniga ayaa waxaa uu qaban doonaa maalinta Khamiista ah ee isbuucaan shir jaraa’id, kaasoo uu mustaqbalkiisa kubada cagta ku go’aamin doono, sida ay sheegayaan wararka Talyaaniga ka imaanaya.

40-sano jirkaan, ayaa waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku go’aamin doono inuu ka fariisanayo kubada cagta, sida ay sheegeyso Majaladda AS ee kasoo baxda dalka Spain.

Dhankiisa, Buffon oo Sky Sport Italia bishii Febraayo, ayaa wuxuu cadeeyay inuu ku fekerayo ka fariisashadda kubada cagta.

Inkastoo, wareysigaan uu bixiyay Buffon shaacin inuu ka fariisanayo kubada cagta, hadana warbaahinta ayaa sheegay in wiilkaan kubada cagta ku gaamuray ay kolkaan tahay markii uu ka bixi lahaa saaxada kubada cagta.

 “Ma sheegi karo been ama ma abuuri karo rajo been ah,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay, isagoo sii daba dhigay: “Xaqiiqada waxay tahay inaan wali la kulmayo madaxwenaha, kaasoo ah nin akhyaar ah oo aan heshisi kula jiro, kadib ayaa waxaan qaadan doonaa go’aan.

“Maalmaha [kadib guuldaradii Sweden oo ay uga hareen Koobka Aduunka] waa mid adag. Waxaan doonayay inaan xirfadeyda kusoo xiray Koobka Aduunka, maxaa yeelay waxaan ku fekerayay waxa ugu badanoo aan ku xasuuto xirfadeyda, laakiin ma dhicin.

Buffon ayaa wuxuu la qaaday kooxdiisa Juventus labo koob fasal ciyaareedkan, kuwaasoo kala ah, horyaalka Talyaaniga ee Serie A iyo Coppa Italia, waana markii afaraad oo xiriir ah oo uu la qaado inta uu kooxda joogo macalin Massimiliano Allegri.