Xulalka Soomaaliya Vs Burundi-ayaa dheeli doona kulankiise 3-aad ee tartanka Bariga iyo bartamaha Africa

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa dheeli doona kulankiise 3-aad ee tartanka Bariga iyo bartamaha Africa isago la ciyaari doono xulka guuldarooyinka la daala dhacaya ee Burundi.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan labadan xul ayaa baadi goob ugu jira iney helan saddexdii dhibcood ugu horeyay tartanka Bariga bartamaha Africa.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa labo kulan hore u soo dheelay mid kamid ah waa laga badiyay waxaan ka adkaatay martigaliyaasha tartanka ee Uganda halka kulanka kale ay bar baro la soo gashay xulka Jabuuti, taas oo la micna ah iney leedhahay 1-dhibic oo qura.

Xulka Burundi labadii kulan ay hore u soo dheeshay labadaba waa laga soo adkaaday waxaana ka soo kala adkaaday xulalka kala ah Uganda iyo Eritrea, taas oo ka dhigan in ay rajadeydo ay hoos tahay xulkan.

Wiilasha ocean Stars ayaa fursad weyn u heesta iney ka faa’ideystan guuldarooyin is xig xiga ee ku dhacay xulka Burundi si ay rajo wanaagsan ugu lahaadan tartankan.

Tartanka: Cecafa Senior Challenge Cup

Xulalka: Somalia Vs Burundi

Saacada: 4:00 Galabnimo

Taariikda: 13-12-19

Maalinta: Jimco

W/Q:Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com