Xulalka Spain & Italy Oo Sii Wata Rikoorka Guulaha Ee Isreebreebka Euro 2020 & Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee La Ciyaaray

Xulka Spain ayaa sii dheereystay hogaanka Group F ee isreebreebka koobka Euro 2020 ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen xulka Faroe Islands iyadoo La Roja ay badisay kulankii lixaad ee lix kulan oo ay ciyaareen isreebreebka halka Faroe Islands laga wada badiyay dhamaan lixdii kulan ay dheeleen.

Weeraryahanka Valencia Rodrigo iyo xiddiga kooxda Borussia Dortmund Paco Alcacer ayaa min labo gool kala dhaliyay iyadoo kulankaan uu kabtan Sergio Ramos barbareeyay rikoorka safashada xulka Spain ee goolhaye Iker Casillas iyadoo labada halyeey ay Spain u ciyaareen 167 kulan.

 

Spain ayaa Group F ku hogaamineysa 18 dhibcood waxaana ay todoba dhibcood ka sareeyaan xulka kaalinta labaad ee Sweden kuwaasoo barbaro 1-1 la galay xulka Norway.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  TOP 30: Kooxaha Ugu Koobabka Badan Adduunka Oo La Soo Saaray, Muruqweynta Yurub Oo Meel Lagu Riixay & Koox Afrikaan Ah Oo No.1 Gashay

Xulka Romania ayaa ku jirta kaalinta 3aad iyagoo leh 10 dhibcood ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Malta halka Norway ay kaalinta afaraad ku jirto iyagoo leh 9 dhibcood. Malta waxay leedahay 3 dhibcood halka Faroe Islands aysan wax dhibic ah laheyn.

Dhanka kale xulka Talyaaniga ayaa iyagana 18 dhibcood ku hogaaminaya Group J ka dib markii ay badiyeen kulankii lixaad ee lix kulan oo la ciyaaray, waxaana ay 2-1 kaga talaabsadeen xulka Finland.

Ciro Immobile ayaa hogaanka u dhiibay Azzurri ka hor inta uusan Finland u barbareynin xiddiga Norwich City Teemu Pukki, laakiin Talyaaniga ayaa ku badiyay rigoore uu u saxiixay xiddiga Chelsea Jorginho.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Goolhaye David de Gea Oo Go’aan Naxdin Ku Noqonaya Ole Gunnar Solskjaer Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Man United

Italy waxay lix dhibcood ka sareeyaan xulka Finland oo ku jira kaalinta labaad ee Group J. Armenia ayaa kaalinta seddexaad ku jirta kuwaasoo maanta 4-2 kaga badiyay xulka Bosnia oo ku jira kaalinta afaraad